Digniino Laga Soo Saaray Duufaano ku soo Fool leh Dalka Somalia..

Somalia news

Warbixino ay soo saareen Hey’adaha Saadaasha Hawada ayaa looga digay in Qeybo ka mid ah Dalka ay ku soo fool leeyihiin Dufaano iyo Roobab dabeylo wata kuwaasoo khatar ku ah Nolosha Dadka ee Magaalooyinka (Barbera, Boosaasi & Kismaayo) iyo Xeebaha Gobolada Waqooyiga-Bariga ilaa Konfurta Dalka…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya Duufaanta loogu magac daray “El-nino” oo sare u qaada heer kulka Badda iyo xooga qulqulka mowjadaha biyaha Badda, iyadoo u socota si joogto aheyn oo labadii ama 3-dii todobaadba mar, iyadoo Wasaarada Degaanka Somalia ay sidoo kale soo saartay Digniino la xiriirta dhibaatada ka dhalan karta duufaantaan.

Todobaadyadii la soo dhaafay Dalal ka tirsan Qaarada Africa sida Morocco, Egpyt iyo Libya ayaa waxey la kuleem dhibaatooyin ka dhashay dhacdooyin dabiici ah (Dhul gariir iyi Dufaano dabeylo wata) kuwaasoo galaafatay nolosha Kumaanaan Dadka u dhashay Dalalkaasi.

279130cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray Duufaano ku soo Fool leh Dalka Somalia..