Ma Dhabaa In Kulan Khilaafka Doorashada Looga Hadlaayo Lagu Qabanaayo Garoowe

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa in Kulan balaaran oo looga hadlaayo Khilaafka ragaadiyay Doorashada Somalia, iyadoo Shirkaasi lagu wado iney ka soo qeyb galaan Dowladda Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasada (Xisbiyada Mucaaradka….

Kulankaan oo la sheegay in Dowlad goboleedka Puntland ay martiqaad u fidsay Dhamaan Xubnaha Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada Mucaaradka, waxaana sidoo kale ka qeyb geli doona Wakiilada Beesha Caalamka, iyadoo lagu wado in la qabto 28-ka Bishaan, hal maalin kadib marka iu dhamaado Muddo xileedka Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Maamulka Farmaajo ayaa Weli ku adkeysanaaya inuu meel mariyo Howlgelinta Guddiyada Doorashada ee lagu mursan yahay, kuwaasoo soo saaray Jadwal Doorasho, iyadoo aan weli Guddiyada Doorashada Puntland iyo Jubbaland ay ku gacan seyreen iney Guddiyadooda Doorashada u soo diraan Magaalada Muqdishu.

81530cookie-checkMa Dhabaa In Kulan Khilaafka Doorashada Looga Hadlaayo Lagu Qabanaayo Garoowe