Ma Dhabaa in Dowladda Federaalka ay soo iibsatay Diyaarado Dagaal & Noocyo Hub ah..

Somalia news

Dowladda Federaalka oo muddo xusul duub ugu jirtay sidii loo qaadi lahaa Cunaqabateynta Hubka oo saarnaa muddo 32-sano ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u xaqiijisay iney u soo iibsatay Diyaaradaha Ciidamada ee kuwa Qumaatiga u kaca, kuwaasoo lagu wado iney ka qeyb qaataan Dagaalka Wajigiisa 2-aad…

Sarkaal Amaanka kala taliya Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka oo ka faa’iideysaneysa sida loo fududeeyay xayiraada hubka ay u suurto gelisay iney soo iibsato Diyaaradaha Dagaalka ee kuwa Qumaatiga u kaca, Hub noocyada Qoriyaha Lidka diyaaradaha sida Zuu-23mm, Dhashiike, tiro aan la cayimin oo Madaafiica Goobta kuwaasoo Duumahooda u ka yar 100mm iyo rasaas.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Dowladaha USA, France iyo UK oo ka mid ah xubnaha joogtada ee Golaha Amaanka ayaa weli ka caga jiidaaya iney qaadaan xayiraada hubka ee Somalia saaraan, iibasashadaan ayaa ayaa imaaneysa xilli muddo ay Ciidamada Dowladda ku howlan yihiin diyaar garowga wajiga 2-aad oo argagixisada Shababka kaasoo lagu wado inuu dhawaan ka bilaawdo degaanada Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Gslmudug.

266430cookie-checkMa Dhabaa in Dowladda Federaalka ay soo iibsatay Diyaarado Dagaal & Noocyo Hub ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com