Maxaa ka Run ah in Maamulka Puntland ay Fariisimo Ciidan Ka Siiyay UAE Degaanka Xaafuun…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in degaanka Xaafuun ay gaarewn maalmo ka hor, Koox isugu jira Saraakiil Coidan iyo kuwo Sirdoon kana tirsan Dalka UAE, waxaana la xaqiijiyay iney ku wehliyeen safarkooda Xubno ku dhow Madaxweynaha Puntland…

Xogtaan ayaa sheegtay in Kooxdaam UAE ka socda ay galbinaayeen Shaqsiyaad uu hormuud u ahaa Xasan Cabdillaahi Deni oo ay Walaalo yihiin Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Qorshaha Kooxdaani ay u tageen Degasn xeebeedka Xaafuun ayaa lagu soo koobay Laba Qodob oo kala ah.

-Fariisin Ciidam oo isku dhaf ah ay halkaasi ka rabaan UAE, USA iyo Israel.

-In Deked ka dhistaan si Maraakiibtu ku kala wareejistaan halkaasi Kunteenarada.

Wararka ayas sheegaya in Heshiiska Dhismaha Dekedaasi uu horey u saxiixay Mr.Dani iyadoo lagu siiyay Saxiixul Qalam dhan 2-Millions US$, Mr.Dani ayaa Odayaasha Dhaqanka Degaanka u sheegay in Reer Xaafuun ay Mashruucaas ku helayaan tiro Celal Biyo Macaan oo dhawaan Xariga laga jari doono, Dhaliisha Mashruucyadaan ayaa lagu sheegay inaan la hor keenin Golaha Wasiirada, Baarlamaanka iyo Dowladda Federaalka iyo In Qoyska Madaxweynuhu iska maamulanayaan.

282400cookie-checkMaxaa ka Run ah in Maamulka Puntland ay Fariisimo Ciidan Ka Siiyay UAE Degaanka Xaafuun…