Ma Dhabaa In Madaxa Howlgelinta Gargaarka Hey’adda ICRC uu Ku Dhex Milmay Dagaalka Laas caanood..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Eedeymo loo jeediyay Madaxa Howlgelinta Gargaarka ee Hey’ada ICRC Mr.Pascal Cuttat ee ka howlgala Degaanada Xiisadaha colaadeed ka taagan yihiin sida Gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer ee Somalia, wuxuuna u xilsaaran yahay howlaha bini’aadantinimada, Shaqsigaan ayaa lagu eedeeyay inuu ku milmay Colaada Degaanadaasi ka aloosan…

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Mr.Pascal Cuttat Oo Afadiisa lagu magacaabaa Afrah Cuttat oo kasoo jeeda Beelaha Isaaq ee gooni u goosadka u ololeeya, waxaana lagu yaqaanaa inuu yahay shaqsi caano ku ah aargoosiga, iyadoo jirto walaac ay ka qabaan Shaqaalaha ICRC in Mr.Cuttat uu la wadaago siyaasadda xaaskiisa.

Talaabadani waxay dhalinaysaa su’aalo la iska waydiin karo dhexdhexaadnimada Hey’adda ICRC, maadaama lagu eedeeyay in biliwgii dagaalka uu amaro ku bixiyay in si degdeg ah looga soo baxo magaalada Laascaanood kadib markii muddo 8-bilood ah Duqeyn aan loo meel dayin ku garaceen Noocyada Madaafiicda Iyo Hoobiyayaadha Maleeshiyada Somaliland Isbitaalada, Dugsiyada iyo Guryaha Rayidka.

Waxa habboon in Wakiilka Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka u diro koox madax-bannaan oo soo baara (Qiimeeya) xaaladda iyo sida loola dhaqmay maxaabiista lagu qabtay Laascaanood iyo kuwa Hargeysa, isla markaasna Shaqsigaan Adeegiisa Hey’adda ICRC dib loogu noqdo.

277340cookie-checkMa Dhabaa In Madaxa Howlgelinta Gargaarka Hey’adda ICRC uu Ku Dhex Milmay Dagaalka Laas caanood..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com