Maamulka Jubbaland & Hogaanka Ciidamada ATMIS Qeybta Kenya oo lagu Eedeeyay Xaalufinta Dhirta…

Africa News Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka roogaya in Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada (ATMIS) Kenya qeybtooda Degaanada Jubada hoose ayaa lagu eedeeyay iney xalufun ba’an ku hayaan Dharta, kuwaasoo la sheegay in loo dhoofiyo Dalalka Khaliijka…

Wararka ayaa sheegaya in xaalufin baahsan ee Dhirta in muddi ah ka socoto Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Jubada Hoose ee dalka Somalia, iyadoo lagu eedeeyay Ganacsato gacan saar la leh, Kooxda Shababka, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha ATMIS Qeybta Kenya ee Gobolkaasi ka howlgala, iyadoo Kumanaan tan oo Qoryo ah ayaa laga jaro dhul-baahsan maalin kasta si dhuxul ahaan loogu dhoofiyo.

Khubarada arrimaha Cimilada ayaa isweydiinaaya sida Kenya oo ay hayso Hogaanka Cimilada Afrika, ay ugu oggolaatay iney Saraakiisheeda ay qeyb ka noqdaan xaalufinta Dhirta Gobolka Jubada Hoose, maxeyse Madaweynayaasha Somalia iyo Kenya wax ma ka qaban la’yihiin dhibaatada Nabasf guurka lagu hayo dhirta.

306200cookie-checkMaamulka Jubbaland & Hogaanka Ciidamada ATMIS Qeybta Kenya oo lagu Eedeeyay Xaalufinta Dhirta…