Maxey Soomaalidu ugu Kalsoonaan Waayeen Maxkamadaha Dalka iyo Sababaha..

Somalia news

Laga soo bilaabo Sanadkii 2010-kii waxaa aad u hooseeya Sumcada & Cadaalad falka Hey’adaha Garsoorka Dalka, iyadoo lagu sababeeyay Maamulo xumo, khibard-Isbedel la’aan & iney u adeegaan Hogaanka fulinta Dalka oo Wareegto ku soo magacaaba, talabadaan oo sababtay iney Shacbiga Soomaaliyeed ka baxaan…

Maamuladii kala dambeeyay ee Dalka ayaa isku dayay iney dib-u-habaynta ku sameeyaan Laanta Garsoorka Dalka, si Shacbiga loogu muujiyo Madax-bannaanida Garsoorka, iyo waayo-aragnimada wanaagsan ee shakhsi ahaaneed oo laga yaabo inay u horseeddo qofku inuu filayo in kalsoonida dadwaynaha ee maxkamaduhu ay korodhaan, inkastoo riyadaasi ay noqotay “Dhedo Roob noqon weysay”.

Maamulka Villa Somalia ayaa Todobadii u dambeeyay oggolaaday in si toos ah loo baahiyo Maxkamadeynta Xubno Shaqaale ka ahaa Wasaaradaha Maaliyada, Shaqada iyo Hey’adda Socdaalka, waxaana Doodaasi ka dhalatay in Nidaamka Baarista ee Hantidhowrka iyo Boliiska uu noqday mid hoose oo xitaa awoodi waayeen iney Dembiyo dhacay sida Xatooyo wadareed iyo ku tagrifal awooda Xafiisyada ee shaqsiyaadka la eedeynaayo si cad loogu soo caddeyn waayo.

Sidoo kale Khibrada shaqsi ahaaneed ee daadihinta Dacwada ayaa u muuqatay mid liidata ee Garsoorka Maxkamada Gobolka, tirakoob la sahmiyay ee Shacbiga Soomaaliyeed ayaa muujinaaya iney fari ka qodneyn in ka aamino Garsoorka Dalka, waxaana Bulshada qaarkood ka door bidaan iney Cadaalad u raadsadaan Kooxaha Argagixisada, kadib markii lagu hungoobay Garsoorka Dalka uu noqday Seylad.

277300cookie-checkMaxey Soomaalidu ugu Kalsoonaan Waayeen Maxkamadaha Dalka iyo Sababaha..