Maxaa ka Run ah in Qarax Gaari Proof ah uu ku Qarxay Degaanka Laas Gacameey uuna Ku Dhaawacmay..

Somalia news

Iyadoo laga soo bilaabo 5-tii Agoosto uu Madaxweynaha Somalia uu ku sugan yahay magaalada Dhuusa mareeb si uu u korjoogteeyo Abaabulka iyo Dadaalada Maamulkiisu ku doonaayo inuu kaga sifeeyo kooxda Argagixisada Shsbabka degaanada Maamul-Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug…

Inkastoo Dadaaladaasi ay horseedeen khaladaad dhanka dagaal gelinta, Gaabiska Gurmadyada khasaare Dhimasho iyo dhaawacayo laga baaqsan karay, waxaana u dambeeyay Qarax Gaari Proof ah oo Miino laga soo buuxiyay oo Saakay ku qarxay Degaanka Laas Gacameey oo u dhaxeysa Wisil iyo Bacaadweyn (Dhanka Beesha Qubeys), Iyadoo halkaasi lagu diyaarinaayay Ciidamo Duulaan ku qaada Kooxda Shababka.

Wararka Hordhaca ah ayaa sheegaya in Degaanka ay ku sugnaayeen Senator Cabdi Qeybdiid iyo Xikdhibaan Dhabanac cad (Dhaawac Fudud),Mahad Salaad iyo Qorqor, Gaariga ayaa ku riday 20-Baasuke inkastoo markii dambe lugaha laga toogtay isla markaasna halkaasi ku qarxay khasaare uu dhaliyay, iyadoo Maleeshiyaadka Beelaha & Ciidamada Danab iyo Gorgor u xil saaran yihiin iney Galmudug ka sifeeyaan Kooxda Argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee Shacbiga Soomaaliyeed intiisa badan ayaa aaminsan in Ciidamada ATMIS ay dii joogaan wax yar Dalka, iyadoo lagu sababeeyay kororka weerarada aargoosiga ee Kooxda Shababka ee Furimaha Dagaalka, kadib markii Ciidamadu ka baxaan Magaalooyiin iyo Degaano istraateeji ah sida Ceel bur,Ceel dheer kafib weerarkii khasaaraha dhaliyay ee Cowsweyne.

Somalia waxey fileysaa in Dalalka Deriska ah sida Ethiopia, Eritrea, Kenya Uganda iyo Djibouti iney qryb ka noqdaan Wajiga 2-aad ee Ololahaan, inkastoo aysan weli muuqan Dal Ciidan diyaar la ah inuu u soo diro Somalia maadama muddo la sugaayay waxna ka soo naaso caddeyn.

277380cookie-checkMaxaa ka Run ah in Qarax Gaari Proof ah uu ku Qarxay Degaanka Laas Gacameey uuna Ku Dhaawacmay..