Muxuu Salka Ku Hayaa Isbedelka Labada Wasiir Ee Xil Gaarsiinta

Somalia news

Talaabada la isku bedelay labada Wasiirada Ee Arrimaha Shaqada iyo Duulista ayaa la sheegay iney salka ku heyso Khilaaf muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhex taagnaa Farmaajo Walaalkiis iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada kaasoo salka ku haya Qaadka laga keeno Dalka Ethiopia….

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay Mr.Farmaajo Walaalkiis Axmed Farmaajo iyo Cali Yare kuxigeenka Amniga Gobolka Benadir oo shirko ku ah Qaadka laga keeno Ethiopia ayaa Khilaaf Xoogan in muddo ah kala dhaxeeyay Wasiir Oomaar, wuxuuna salka ku hayaa Khilaafka saami qeybsiga dhaqaalaha laga macaasho Qaadka.

Iyadoo la sheegay in Qaadka Ethiopia Canshuuraha ahaan loo qaado 75,000 US$ waxaana Khasnada Dowladda ku dhacda 40,000 US$, halka 35,000 US$ ay kala qeybsadaan Axmed Farmaajo, Horjooge Cali Yare iyo Ganacsade, Dhaqaalahaan ayaa la sheegay in Qeybo yar loogu talo galay in lagu maalgeliyo CBB qeybta Uu Maamulo Cali Yare.

Xuuraankaan ayaa xaqiijiyay in Ka Wareejinta Mr.Oomar Ee Wasaarada Duulista ay la xiriirto sidii labada Shaqsi ay ugu madax banaan lahaayeen dhaqaalaha Qaadka, maxaa yeelay Mr.Oomaar ayaa la sheegay inuu lahaa Maskaxda iyo talada in Qaadka Ethiopia uu suuq ka helo Magaalada Mogadishu, isagoo heshiis la galay Ethiopian airlines qaadista Qaadka, wuxuuna maalintii ka macaashi jiray 7,500 US$, taasoo u dhiganta in Bishii ay u soo xaroon jirtay 225,000 US$.

Talaabada uu ku joojiyay Qaadka Kenya Mr.Farmaajo ayaa sheegay iney daaraneyd 3- ujeedo midi Waa in la qanciyo Mr.Abiy Oo Ganacsatada Oromada Ee leh beeraha Qaadka suuq u helaan Qaadkooda Mida laba ayaa lagu sheegay in lagu naasnuujiyo Walaalkiis Axmed Farmaajo iyo CBB, halka Ujeedada 3-aad lagu sheegay in dhibaato dhaqaale loo geysto Ganacsatada beeraha Qaadka Kenya.

FG:- Wasiir Duraan wuxuu ku xiran yahay Xaaf oo abti u ah horeyna u maamuli jiray Qaadka Kenya iyo in dib boorka looga jafo Isbaheysigii Sacad-Saleman+Mareexaan ee lidka ku ahaa Ogaadeen+ MJ Ee Jubada hoose.

110070cookie-checkMuxuu Salka Ku Hayaa Isbedelka Labada Wasiir Ee Xil Gaarsiinta