Xaflad Loo Baajiyay Cabsi Amaan..

Uncategorized

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Diinah.com in  Xafladdii 8 Febraayo ee berri lagu furi lahaa Tiyaatarka Qaranka loo baajiyey ammaan darro iyo laga cabsi qabay in qaraxyo lagu weeraro goobtaasi.
 Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya In maalmahaan si hoose loo waday tijaabooyin ah in si Live loo tebiyo Xafladaasi, waxaana la caddeeyey in dib xafladdaas loo dhigi doono.
Horay waxaa u jirtay hadal heyn ah in Qaraxyo lala maagan yahay Tiyaatarka Qaranka inkastoo hubanti aan loo heyn, taas badalkeeda dowladda ayaa Ciidan xoog badan geysay gobollo kamid Jubaland halkii ay aheyd in Ammaanka Xamar la adkeeyo oo xafladaha ay u dhacaan jawi wanaagsan.

15750cookie-checkXaflad Loo Baajiyay Cabsi Amaan..