Dowlada Kazakhistan Oo Dib u Eegeysa Xirashada Niqaabka & Sababta ka Dambeysa..

World

Hadii aad ogeyd in Dalalka Reer Galbeedka ay caan ku noqdeen Xayiraadaha (xadidaadaha) ay ku soo rogaan xirashada dharka muujinaya shacaa’irta diimeed, gaar ahaan Xijaabka iyo Niqaabka ay xirtaan haweenka Muslimiintu, iyadoo Naceybka Dalalkaasi uu horseed ka yahay dalka France…

Waxaa soo shaac baxaaya Warar sheegaya in Dalka Kazakhstan oo laga yaabo inay saaraan amaro Xadidaaya (mamnuucaya) xirashada niqaabka Islaamka meelaha fagaaraha ah, sida ay sheegtay Wasiirka Dhaqanka iyo Warfaafinta, Aida Balayeva oo ay shir jaraa’id ku qabatay Caasimada Dalkaasi ee Astana.

Haweeneydaan ayaa sheegtay in Mas’uuliyiintu ay dib u eegis ku samayn doonaan oo ay cusboonaysiin doonaan sharciyada hadda jira, kuwaasoo ay tilmaantay in aysan bixinayn agab ku filan in lagula tacaalo xagjirnimada diinta iyo “dhaqdhaqaaqyada diimeed ee aan caadiga ahayn”, sida ay tiri.

Tirakoob la sameeyay ayaa tilmaamaya in ku dhowaad 71% Dadka degan Dalka Kazakhtan ay Muslimiin halka 20% ay yihiin Masiixiyiin Ortodoks ah, marka loo eego tirakoobkii 2021-kii, Madaxwaynaha Kazakhstan ee Kassym-Jomart Tokayev ayaa carrabka ku adkeeyey wax uu ku sheegay ”muhiimadda cilmaaninimada” ee lagu qeexay dastuurka dalkaasi.

281000cookie-checkDowlada Kazakhistan Oo Dib u Eegeysa Xirashada Niqaabka & Sababta ka Dambeysa..