Wada Hadalada Xisbiyada Mucaaradka Hargeysa Oo Halis Qarka u Saaran

Somalia news

Kadib markii Doorashadii isku sidkaneyd oo ka dhacday Degaanada Somaliland ayaa waxaa soo shaac baxaaya warar dhiilo xambaarsan kuna aadan awood qeybsiga ee labada xisbi Ee Wadani iyo Ucid gaar ahaan Duqa Magaalada Hargeysa iyo Gudoomiyaha Wakiilada degaanka…

Ilo Wareedyo Ayaa tilmaamaya in Khilaafka uu salka ku hayo awood qeybsiga gaar ahaan Afhayeenka Aqalka Wakiilada iyo Duqa Magaalada Hargeysa, xuuraankaan ayaa xusay in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Feysal Cali uu ku adjeysanaayo in Xisbigiisa la siiyo Duqa Magaalada Hargeysa, halka Xisbiga Wadani uu culeysyo kala kulmaayo Xildhibaanka helay codadka ugu tirada badan (Cabdikariim Axmed Mooge), oo beel ahaan ka soo jeeda Beesha Gudoomiyaha Ucid.

Wuxuuna sheegay Mr.Mooge inuu musharax u yahay xilka Duqa Magaalada Hargeysa, wuxuuna aad u saluugay Kulanka ay wada qaateen Gudoomiyayaasha Xisbiyada Wadani iyo Kulmiye, Mr.Mooge oo la kulmay Mr.Muuse Biixi ayaa sheegay:-

Dhanka kale Waxaa kursiga Afhayeenka Aqalka Wakiilada ku tartamaaya Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo Xisbiga Kulmiye ka soo jeeda iyo Cabdirisaaq Khaliif oo ka Socda Xisbiga Wadani, iyadoo Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Sool intooda badan waxey ku soo galeen Xisbiga Kulmiye marka laga reebo Cabdirisaaq Khaliif, iyagoo Xildhibaanadaan ku hanjabay hadii aan Afhayeen loo dooraneynin Faratoon ay isaga bixin doonaan Baarlamaanka Somaliland.

123820cookie-checkWada Hadalada Xisbiyada Mucaaradka Hargeysa Oo Halis Qarka u Saaran