Markabkii Afduubka loogu heystay Xeebaha Puntland Oo Madax-furasho Lacageed Laga Qaatay lana Siidaayay..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxda burcad-badeeda Puntland ee u afduubnaa Markabka MV Abdullah ee laga lahaa dalka Bangladesh ayaa xalay la siidaayay, kadib markii ay ka qaateen lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5-Millions US$…

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Kooxda burcad-badeeda oo isugu jira Ciidamada Xeebaha ilaalada iyo Maleeshiyaad ka soo jeeda Degaanada Boosaaso, Eyl, Godobjiraan & Jariiban ayaa kaga degay Xeebaha Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, iyadoo Boqolaal Ciidamo ah oo Puntland ay ku sugnaayeen Badda iyo Berigaba.

Markabka MV Abdullah oo dhuxul u siday Imaaraadka ayaa la afduuby 12 March 2024, waxaana saarnaa 23 shaqaale ah oo dhammaantood u dhashay dalka Bangladesh, Waa markii ugu horreysay oo burcad-badeeda Puntland ay lacag madax furasho ah qaataan tan iyo 2012.

Iyadoo lagu eedeeyay Xoogaga Xeebaha ilaaliya ee (PMPF) ee Maamulka Puntland ay ku lug yeesheen afduubka Markabka, waxaa sidoo kale la sheegay in Maamulka Dani uu si toos wada xaajoodka siideynta iyi qaadashada Madax furashada uu ku lug lahaa kaasoo ka dacay magaalada Dubai ee Dalka UAE.

321080cookie-checkMarkabkii Afduubka loogu heystay Xeebaha Puntland Oo Madax-furasho Lacageed Laga Qaatay lana Siidaayay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *