Ma Dhabaa in Qatar ay Wada Hadalo Nabadeed ka Dhex Bilaawday Dalalka Iran & USA…

World

Inkastoo xiriirka u dhaxeeya Dalka Iran iyo Dalalka Reer Galbeedka uu xiriirkoodu hooseeyay 46-kii sano ee u dambeeyay, hadana waxaa soo shaac baxaaya in Dowlada Qatar ay shirarka guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ay ka barbar waday shirar doceedyo la xiriira sidii la isugu soo dhawayn lahaa, isla markaana meesha looga saari lahaa khilaafaadka dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya dalalka Iran iyo Maraykanka..

Labadaan Wadan oo ka dhaxeeyo Colaad doo jireen ah, sidoo kalena aan wax xiriir diblomaasiyadeed ahi ka dhexayn tan iyo wixii ka dambeeyey bishii April ee sannadkii 1980-kii, ilo wareedyo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyey in Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Qatar ay shirar gooni gooni ah magaalada New York kula qaateen Madax ka kala socda dalalka Maraykanka iyo Iran, iyadoo shirarkaasi kala gaarka ahna lagaga hadlay barnaamijka Nugliyeerka Iran iyo walaaca ay dawladda Maraykanku ka qabto in dalka Iran uu diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu ka iibiyay Russia, kuwaasoo loo adeegsado dagaalada ka socda dalka Ukraine.

Shirarka ay Dawladda Qatar la yeelatay dalalka Maraykanka iyo Iran ayaa lagu tilmaamay inay yihiin qaar salka ku haya sidii marka hore fahan buuxa looga heli lahaa qodobada ay labada dal isku khilaafsan yihiin, gaar ahaan macluumaadyada la xidhiidha qaddiyadda nugliyeerka Iran, soo iibsashada Hubka Russia ee Dowladda Iran iyo Saameynta Colaadaha Iraq, Syria & Syria.

Wada hadaladaan oo muddo soo jiitamaayay ayaa suurto geliyay in Mareykanka uu fasaxo aduun dhan 6-Bilyan US$ ah oo lagu qasbay Dalka South Korea iney hakiso la fasaxo isla markaasna tiro Maxaabiis ah ay is Dhaafsadaan labada Dal, Laba oga natiijada ka soo bixi karta dedaalada ay dawladda Qatar ka dhex wado dalalka Iran iyo Maraykanka oo aan wax xidhiidh ah yeelanay muddo ka badan 46-kii sanno ee la soo dhaafay.

278650cookie-checkMa Dhabaa in Qatar ay Wada Hadalo Nabadeed ka Dhex Bilaawday Dalalka Iran & USA…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com