Sare u Kaca ku Yimid Qiimaha Daawada Bacriminta Beeraha oo Digniino laga soo saaray..

Food World

Digiino laga soo saaray sare u kaca qiimaha Daawada Bacriminta Beeraha ayaa la sheegay iney ka sii dari doona dhibaatada qiimaha badeecadaha Beeraha Sanadaha soo socda, sida uu sheegay Khabiir dhinaca Beeraha…

Khabiirkaan oo lagu magacaabo AbdulHakim Elwaer, ayaa ah Kaaliyaha Agaasimaha guud ee Hay’adda Cuntada iyo beeraha ee FAO ee fadhigeedu yahay magaalada Rome ee Dalka Italy, wuxuu intaasi raaciyay in Sicirka Gaaska iyo Qiimaha Tamarta ayaa saameyn doona qiimaha bacriminta iyo dhibaatada bacriminta ee la filayo waxay saameyn doontaa qiimaha badeecadaha ugu dambeeya, ayuu ka sheegay shirkii sanadlaha ah ee Kooxda Horumarinta Islaamka (IsDB) ee kooxda ee magaalada dekedda ah ee Saudi Arabia ee Jeddah.

“Waa inaan fahannaa sida ay wax u socdaan iyo sida ay xaaladu u socoto iyo dhibka ka dhashay markii uu billowday dagaalka Badda Madow,” ayuu yiri Sarkaalkaan, kadib bilawgii dagaalka Russia iyo Ukraine bishii Febraayo 2022, qiimaha tamarta, gaar ahaan gaaska dabiiciga ah, ayaa si aad ah u kordhay.

Dalakaan, ayaa ah kuwo saameyn ku leh wax soo saara Galeyda, Qamadiga iyo Saliida Gabal-dayaha ayaa waxay bilabaadeen inay heshiis ka gaaraan dhoofinta dalagyadaan, iyadoo ay heshiiskaasi ay garwadeen ka ahaayeen Dowlada Turkiga iyo QM, inkastoo hadda ay soo baxaayaan warar dhiilo xambaarsan oo ku aadan dib u bilaabida Miiraha Beeraha Ukrain kadib markii la jebiyay heshiiskaasi.

256070cookie-checkSare u Kaca ku Yimid Qiimaha Daawada Bacriminta Beeraha oo Digniino laga soo saaray..