Maxaa Xiligaan Horseeday in Dhalinyaro Badan ay Magaalada Kismaayo Ka Degtaan..

Somalia news

Warbixin amaan ayaa muujineysa in Todobaadyadii ugu dambeeyay ay qulqulka Tiro badan oo Dhalinyaro beelo gaar ah laga soo xulay ay mashquuliyeen garoomada Diyaaradaha ee magaalooyinka Jigjiga, Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo kuwaasoo la sheegay iney ka degteen magaalada kismaayo si ay Ciidamada UAE uga mid noqdaan…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in in ka badan 4-5000 dhalinyaro ah, kuwaasoo ka shaqeynaysay/Noolaa mudo dheer deegaanadaasi, qaarkoodna ka baxeen Dugsiyada Sare ilaa heerarka waxbarashada, iyagoo u socdaalay magaalada Kismaayo, sidaas oo kale Degaanada Ismaamulka Soomaali Galbeed ayaa laga soo daadgureeyay Dhalinyaro kale duwan, kuwaasoo qaarkood la xaqiijinayo in ay ka ruqseysteen Xoogaga Amaanka Liyuu Police ee Ethiopia.

Wararka ataa sheegay in Maamulka Jubbaland ayaa bilaabay iney laga qortaan Dhalinyaradaan oo dhan 4-5,000 Askari, kuwaasoo Heyb ahaan ka soo jeeda Beesha Daarood, waxaana mashruucaan maalgalineysa dhaqaalaha ku baxaaya Dawladda Imaaraatka Carabta, waxaana ciidanka ay noqonayaan kuwa ay maamusho Maamulka Abu Dhabi, si lamid ah kuwa ay ka dhiseen Muqdisho & Puntland.

Bilo kahor Imaaraarka ayaa boqolaal baabuurta dagaalka ah ayaa laga dejiyay magaalada Kismaayo, sidaas oo kale Saanad ciidan ayaa la rumeysan yahay in ay deegaanadaas geysay, xili dekeda, dhul jasiirado ah & garoonkaba lagu wareejinayo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka UAE, Dhaqdhaqaaqan ayaa Dowlada Federaalka iyo Sirdoonkaba midna la socon.

278580cookie-checkMaxaa Xiligaan Horseeday in Dhalinyaro Badan ay Magaalada Kismaayo Ka Degtaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com