Ma Dhabaa in Qorqor Uu Dib U Dhigay Liiska Musharixiinta HG

Somalia news

Ilo Wareedyo kala duwan oo ku sugan Xarunta Maamulka Galmudug ayaa laga helay xogo hordhac ah kuwaasoo la xiriira Liiska Musharixiinta Senatorada Qeybta Galmudug oo la sheegay iney ka adkaadeen sidii loo qeyb lahaa…

Xogahaan ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in Mr.Qorqor uu go’aansaday inuu dib u dhigo Soo saarista Liiska Musharixiinta Senatorada ee Beelaha Habar gidir, kuwaasoo dhan 3-xubnood, kadib markii uu culeysyo iyo Dacwado badan laga keenay xubnaha ay wadatay Villa Somalia Mr.Qorqorna la dhacsanaa.

Waxaana lagu wadaa inuu soo saaro Liiska Musharixiinta 5-xubnood ee Senatorada iyo kuwa la tartamaaya (Macmil), kuwaasoo ka soo kala jeeda Beelaha Waceysle, Murusade, Duduble Dir & Mareexaan, waxeyna kala yihiin sidaan:-

-Senator Cabdi Dhuxulow (Dheg dheer).

-Senator Yuusuf Gelle (Dhagey).

-Senator Zamzam Daahir

-Musharax Fardowsa Yuusuf Ciid, o qaarabo la ah Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug waxaa lagu bedelayaa Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.

-Duniya Maxamed Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka waxaana lagu bedelayaa Senator Abuukar Axmed Xaashi.

134140cookie-checkMa Dhabaa in Qorqor Uu Dib U Dhigay Liiska Musharixiinta HG