Maxaa Ka Jira In Mr.Kheyre Gal-dacwadeed Laga Diyaarinaayo

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Wasiirkii 1-aad Ee Dowladii xilka laga qaaday Mr.Xasan Cali Kheyre, ayaa la sheegay in laga diyaarinaayo Gal-dacwadeed, iyadoo la sheegay in Xafiiska Madaxweynaha uu qoraal u gudbiyay Xeer ilaalinta Qaranka…

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Mr.Farmaajo uu ku eedeynaayo Mr.Kheyre Musuqmaasuq baahsan, dhaqaale dhan 35-Milaan US$ oo uu khasnada Dowladda kala baxay iyo Qodobo kale, Mr.Farmaajo ayaa qorsheeyay inuu Xafiisyada NISA iyo Xeer ilaalinta u adeegsado Inuu ka hor istaago musharaxnimada Mr.Kheyre.

Mr.Kheyre ayaa lagu wadaa dhowaan inuu daaha ka qaado arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin:-

-Heshiiska 4-Dekadood Ee Ethiopia

-Dhiisbitii Muwaadinka C/Kariim Qalbi-Dhangax.

-IsHortaagii Safaradii Madaxweynayaashii hore Ee B/Weyne iyo Kismaayo

-Arrimaha Doorashooyinka K/Galbeed iyo Galmudug

-Qorshaha Shidaalka Iyo Kaalinta ay Ku leeyihiin Mr.Farmaajo, Adeege Fahad iyo Muudey.

63650cookie-checkMaxaa Ka Jira In Mr.Kheyre Gal-dacwadeed Laga Diyaarinaayo