Xoogaga Amaanka Garoowe Oo Xayiray Wariye Ka soo Degay Garoonka Diyaaradaha…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay ku qabteen Laamaha Amaanka ee Magaalada Garoowe Wariye Jamaal Cusmaan oo part time ugu shaqeeya Channal-4 ee Warbaahinta Dalka Boqortooyada UK, horeyna looga masaafuriyay magaalada Mogadishu..

Xuuraanka dhinaca Amniga ah ayaa xaqiijinaya in weriye Jamaal la dejiyay Hoteel gudaha magaalada Garoowe isla markaana saraakiil ka tirsan Waaxda baarista Puntland halkaasi su’aalo ku weydiiyeen sababaha xiriira safarkiisa, iyadoo Warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu qorsheynaayay inuu diyaariyo 3-Barnaamij.

Mid ka mid ah Barnaamijyadaan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo Dhaqanka gaar ahaan Kooxaha cabtooyda ah iyo Haweenka isticmaala Mukhaadaraadka, Halka Barnaamijka kale la sheegay inuu u qorsheysnaa Wariyaha inuu Wareysiyo ka qaado Kooxaha Burcad badeedka Degmooyinka Eyl iyo Boosaaso iyo Hogjoogayaasha Kooxaha Shababka iyo Daacishta Somalia.

Inkastoo Laamaha Amaanka aysan ka hadlin Xayiraada Suxufiga hadana Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa sheegaya in Maanta suxufi Jamaal Cismaan laga masaafurin doono magaalada Garoowe oo dib loogu celin doono Dalkii uu ka yimid oo aan loo ogolaan doonin in uu sii joogo Degaanada Puntland.

309530cookie-checkXoogaga Amaanka Garoowe Oo Xayiray Wariye Ka soo Degay Garoonka Diyaaradaha…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com