Maxaa Keenay Is-Rasaaseynta Dhex martay Duqa Magaalada Boosaaso & Kuxigeenkiisa

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya is-rasaaseyn dhex martay ilaalo hubeysan oo ay kala wateen Duqa Magaalada Boosaaso & Kuxigeenkiisa, kadib markii sida la sheegay muran ka dhashay kaarar ay qeybisay Hey’adda Cuntada Aduunka ee (WFP)…

Goobjooge u warramay Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegay, Xiisadani ay ka bilaabatay kadib markii ay Kaarar Raashin lagu qaato oo loogu tala galay Qoysaska Dhaqaalahoodu hooseyo ayaa waxaa dalbaday in tiro badan la siiyo (Kararka) Kuxigeenka Duqa Magaalada loona diiday in Saamigiisa la siiyo.

Kaararkaan ay bixiso Hey’adda WFP ayaa ku jira 50-100 US$, waxaana Madaxda Degmooyinka & Xaafadaha loo marin jiray si ay ugu qeybiyaan Dadka Masaakiinta ah balse la masuqmaasuqay, ilaa hadda lama xaqiijin karo in Dhacaan ay ka warhayaan Madaxda Hey’adda Faraceeda Boosaaso.

Wararka ayaa sheegay in Labada Nin ilaa xalay ay isku hub &Maleeshiyo beeleedyo u habarwacdeen, waxaana arrintaan soo fara geliyay Maamulka Puntland Hey’adaha Amaanka ku amreen iney laga horjoogaado labada Nin iney Xarunta Degmada soo galaan.

207740cookie-checkMaxaa Keenay Is-Rasaaseynta Dhex martay Duqa Magaalada Boosaaso & Kuxigeenkiisa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

3 thoughts on “Maxaa Keenay Is-Rasaaseynta Dhex martay Duqa Magaalada Boosaaso & Kuxigeenkiisa

  1. Kkkk Away Ninkii Dani lagu magacaabi jiray Ee qanjirada weynaa oo dhihi jiray Dowlad madax banaan Oo musuqa ka caagan ayaan Hogaanka u hayaa lana yiraahdo Puntland (Duf ku baxa).

  2. Dadka danyarta ah Deeqdoodii miyeey Maxamuud Saleymaan ku dagaalameen Waa Dad aan xishoon oo xoolaha Masaakiinta ku naaxay Sida Deni iyo kan Amniga ku dar Abaar jaan

  3. Madaxweyne, abaaro ayaa Degaanka ka jirta, dhaqaalaha Shacabkuna dhulka ayuu galay,
    marka, u naxariiso, oo Dhaca deeqaha Ha la joojiyo lana qaybso dhibkooda..😭

Comments are closed.