Ma Dhabaa in Duulimaadyadii Caalamiga ee Mogadishu ay Hakad ku Yimaadeen

Somalia news

Iyadoo 2-qarax oo xoogan ay gilgileen shalay Caasimada Magaalada Mogadishu, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Diyaaradaha Ethiopian Airlines, Turkish Airways iyo Qatar Airlines ay hakiyeen si KMG ah duulimaadyadii ay ku tegi jireen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport…

Wararka ayaa sheegay in Mas’uuluyiinta Shirakadahaan ayaa ka cabsi qaba qaba weeraro argagixiso oo lagu qaado Xeyndaabka garoonka iyo Xeryaha Afisioni iyo Xalane, waxaana la sheegay in aad loo adkeeyay Amaanka garoonka, iyadoo Saraakiisha Amaanka Garoonka ee Dowladda Federaalka ayaa qiray iney hakad ku yimaadeen diyaaradahaasi kadib digniino amaan oo loo gudbiyay.

Horjoogayaasha Kooxda argagixisada waxey si cad u og yihiin iney xiligaan wajahayaan caqabado iyo culeysyo sii kordhaaya, sida ay muujinayaan falalkooda arxan darrada ah ee weerarada is-miidaaminta ah, iyagoo uga dan leh in diirada la saaro dhimashada iyo dhaawacyada lana hakiyo duulaanka ka dhanka ah.

Weerarkaan ayaa muujinaaya sida karti darrada ah ee Hogaanka Amnigu u wajahayaan sugida amniga Caasimada, iyadoo Muddo sabaootin ah dhibaatooyin kala duwan ku haya Shacbiga Magaalada isla markaasna u fududeeya kooxaha argagixisada ibey si fudud ku soo geliyaan magaalada Gaadiidka ay walxaha qarxa ka buuxaan iyo kooxi naftood haligayaal ah.

221820cookie-checkMa Dhabaa in Duulimaadyadii Caalamiga ee Mogadishu ay Hakad ku Yimaadeen