Dowladda Djibouti oo lagu Eedeeyay iney Dagaalka Laas caanood qeyb ka tahay

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in dagaalka beeleed ee u dhaxeeya Maleeshiyaadka Beelaha Isaaq iyo Dhulbahante ee mudada 11-ka maalmood ka socda magaalada Laascaanood ayaa la sheegay in Dowlada Djibouti lagu eedeeyay fara gelinta dagaalka, iyagoo dhinac la saftay isla markaasna taageero taakukeyn ah u fidisay daraf ka mid ah…

Wararka ayaa sheegay in qaar ka mid ah Odaayasha Dhaqanka ee degaannadda SSC at ku eedeeyeen Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle inuu si toos ah qeyb uga yahay dagaalka uu maamulka Muuse Biixi kusoo qaaday magaalada Laascaanood ee gobalka Sool.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Garaad Cabdikariin Cali Nuur, oo kamid ah Isimadda SSC ayaa ku sheegay in Geellaha Jabuuti uu ku jiro dagaalka ka socda Laascaanood oo uusan dhexdhexaad ka noqon karin colaadda Gobolka Sool.

“Ismaaciil Cumar Geelle dagaalka si bareer ah buu ugu jiraa arrintaa dhexdhexaad kama noqon karo, hubkiisii, Saadkiisa, Saraakiishiisa Dagaal gelinta, diyaaradihiisii wax basaasayay (Drones) iyo dhageysiga khadkii Telefoonada oo uu wax ugu fududeynayo intaba dagaal buu kaga jiraa” ayuu yiri Garaad Cabdikariim Cali Nuur.

242360cookie-checkDowladda Djibouti oo lagu Eedeeyay iney Dagaalka Laas caanood qeyb ka tahay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com