Maxaa Xiligaan Keenay in Kooxo ay Gubaan Kitaabo iyo Masjid ku yaal Dhuusa mareeb..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in habeen hore dab la qabad-siiyay dhisme Masaajid oo ku yaalla magaaladaasi, iyadoo ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo Sababta iyo Dadkii ka dambeeyay gubitaanka Masaajidka…

Wararka ayaa sheegaya Masaajidka la gubay ayaa ku yaalay Xaafada Horseed ee Dhuusomareeb, waxaana masjidka la sheegay iney gubeen kooxo aan wali heebtooda la aqoon, Dabka ayaa baabiiyay gogoshii Masaajidka ee lagu dukanayay, waxaa sidoo kale dabka uu gubay kutubo Qur’aan oo Masaajidka dhax yaalay, lamana oga ilaa hadda cidda falkaasi ka dambeysay.

Jameecada Masaajidka ayaa sheegay in aysan wali ogeyn sababta masaajidka loo gubay, waxeyna sheegeen in horey ula kulmeyn hanjabaadyo kala duwan, iyadoo masjidkan gacanta ku hayay culimo ka tirsan dariiqada Axmadiyada, kuwaasoo Cambaareeyay falka gubida Masaajidka iyo Kutubta lagu alhrisan jiray.

272230cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay in Kooxo ay Gubaan Kitaabo iyo Masjid ku yaal Dhuusa mareeb..