Ma Dhabaa in Golaha Amaanka ay Isla meel dhigeen Qaadista Cunaqabateynta Hubka ee Somalia..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulankii Golaha Amaanka ee ku saabsanaa sidii looga tashan Cunaqabteynka Hubka ee Somalia oo saarneyd laga soo bilaabo 1991-gii Somaliya, iyadoo sidoo kale laga tashaday Sidii Ciidamada ATMIS looga saari lahaa Dalka si tartiib ahaan…

Kulankaan uu ka qeyb galay Madaweynaha Somalia, isla markaasna warbixin Golaha ka siiyay Howlgalada dib u xoreynta Dalka ee Ciidamada Dowlada oo kaashanaaya Xoogaga Hubeysan ee Degaanka kuwaasoo Degaano badan ka xoreeyay kooxda Argagixisada Shababka.

Hubka loo fasaxayo waa noocee?

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Dowladda Federaalka loo oggolaaday inuu Hub ka iibsan karto kaliyay Dalalka hoosta ku xusan:-

-USA.
-China.
-Masar.
-Turkiga.

Ka hor bisha Novembar waxaa looga fadhiyaa Dowladda iney heshiisyo la gaarto Maamulada Gobolada arimaha Farsamada ee qabyo tirka Dastuurka lana is waafajiyo Dastuurka Federaalka iyo kuwa Maamulada iney isku diyaariso la wareegida Fariisimada ay ka baxayaan Ciidamada ATMIS kuwaasoo kala ah:-

Qaybta 5 (Burundi):

-Xaaji Cali (June 20)

-Miirtaqwo (June 22)

-Cadale (June 27)

Qaybta 1 (Uganda):

-Aljazeera kow (June 28)

-Arbao (June 23)

-Marka Ayuub (June 18)

Qaybta 2 (Kenya):

-Geriley (June 30)

Waxaa lagu wadaa in qiyaastii 2000 oo askari ayaa bixi doona taasoo qayb ka ah dhimistaan.

Yaa ka danbeeya qaadista Cunaqabataynta?

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaaya in Maamulka Washington, ayaa hawshan gadaal ka riixaya oo raba in la qaado Cunaqabataynta, isagoo dantiisu tahay Shidaalka Somalia.

Ethiopia iyo Kenya?

Mas’uuliyiinta Dowladahan waxay aad ugu doodeen in Dowlada Somalia aysan xiligaan loo oggolaan iney Hub dibeda ka doo iibsadaan, sidaa daraadeed hadii la qaadayo cunaqabataynta waxey soo jeediyeen in laga reebo Diyaaradaha iyo Taangiyada.

262370cookie-checkMa Dhabaa in Golaha Amaanka ay Isla meel dhigeen Qaadista Cunaqabateynta Hubka ee Somalia..