Mustaqbal Somalia Oo Wadadii Colaada & Dagaal Sokeeye Cagta Saartay

Somalia news

Kadib markii uu ku adkeystay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo inuu ku gacan seyro Dhamaan baaqyada Beesha Caalamka Iyo Kooxaha Sam’s-taliska Somalia Ee ahaa inuu dib ugu laabto Muddo Kordhinta islamarkaana Teendhada Afisioni ku noqon si wada hadalada Lagu dhameynaayo Khilaafka Doorashada loo sii ambaqaado….

Hadaba, maxaa ka dhalan kara diidmada Hogaamiye kooxeedka soo daahay Ee Villa Somalia, waxaana halkaan ku soo koobeynaa tiro qodobo ah oo qiyaasteena ah lagana dhaxli karo Khilaafka taagan:-

Gudaha Somalia:-

-In Caasimadda iyo Gobolada Dalka qaarkood ka bilaawdaan abaabul, degaano la kala qabsado iyo dagaalo sokeeye.

-In Ganacsatada Hantidooda Kala Baxaan Somalia

-In Xaafadaha Magaalada Mogadishu lagu diriro

-Kooxaha argagixisada ka Faa’iideystaan dagaalada oo dib ugu soo laabtaan Caasimadda iyo Degaanadii laga saaray.

-In Nidaamka iyo kala dambeynta lunto oo Hogaamiye Kooxeedyo dib u soo noolaadaan.

Arrimaha Dibeda Somalia:-

-In Somalia dib loogu celiyo Dowlad KMG ah.

-In Ciidamada Amisom qorshe Bixintaan loo dejiyo (Exit Strategy Plan).

-In Danjirayaasha Laga daadgureeyo Mogadishu.

-In Somalia Gargaar bini’aadanimo kaliyah loo oggolaado (Humanitarian Aid).

Khabiirada odorasa Arrimaha Somalia ayaa Mustaqbalka Somalia ku sifeeyay in Marin mugdi ah ay cagta saartay, taasoo la hubo in laga dhaxli doono mahadho aan la mahdin.

111150cookie-checkMustaqbal Somalia Oo Wadadii Colaada & Dagaal Sokeeye Cagta Saartay