Su’aalo Laga Keenay Dhulalka Garoonka Diyaaradaha ee Dowladda Federaalka Ugu Deeqdo Dalalka Shisheeye…

Somalia news

Warbixin wel wel xambaarsan ayaa muujineysan in Shacbiga Soomaaliyeed ay su’aalo ka keeneen Sababta Dowlada Federaalka Dhulalka ku teedsan Dhabaha Diyaaradaha uga siiso (Deeqdo) oo ay ka dhistaan Dhismayaal Wakiilada Dalalka Shisheeye ee Mogadishu ka howlgala…

Dowladda Federaalka ayaa dhul dheeraad ah siisay safaaradda Shiinaha ee Somalia, si ay dhisme xarunta Safaarada cusub uga dhisato, Dhulkaan oo horey loo siiyay QM ayaa laga celiyay lamana yaqaano sababta, Dowladda Federaalka ayaa horey Dhulal ugu deeqday Safaaradaha USA oo dhul balaaran xiratay oo ay ku jiraan Dhulkii Ciidamada Cirka ee Somalia, ku darsoo Boqortooyada UK ayaa iyagana ka dhistay hareeraha Dhabaha diiyaaradaha iyo Safaarada Italy.

Inkastoo ay Saraakiisha Maamulka Villa Somalia ay sheegeen in dhamaanba dhulalka ay Safaaraduhu ka degan yihiin Gudaha garoonka ay yihiin kuwo ku meel gaar ah ee aysan weligood degganaaneyn, hadana waxaa lagu dhaliilay in dhismayaashasi halis uu ku yahay Diyaaradaha iyo Socotada saaran, iyadoo lagu marmarsiyoodo Sababo dhanka amniga ah dartood, waxaa agagaarka garoonka Aadan Cadde degan Hay’ado badan oo caalami ah.

311630cookie-checkSu’aalo Laga Keenay Dhulalka Garoonka Diyaaradaha ee Dowladda Federaalka Ugu Deeqdo Dalalka Shisheeye…