Maxaa Xasanow Hortaagan Siyasadii Is-bedel doonka Mise Halgankii ayaa Hungoobay

Somalia news

Ku dhawaad muddo labo sano ah, ka hor doorashadii 15-kii May 2022, Shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Caasimada, waxay ku jireen Halgan siyaasadeed u jeedkiisu ahaa Is-baddel doon, kaasoo looga soo hor jeday nidaamkii fashilmay ahaa ee Farmaajo iyo Fahad hoggaanka u hayeen, kuwaasoo ka tagay Finnish & Kuwo kale…

Kadib 112 maalmood doorashadii sanadkaan dhacday, ma la oran karaa halgankii waa laga leexiyay higsigiisii, Mise xaalku wuxuu ku biya shubtay erayadii ahaa – Dambi ku hadli maayee ma arag Dawladdaan rabaye, Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye.

Haddii u-jeedka halganku ahaa in dullinimada, dar-xumada iyo daranyada laga dul qaado dadka iyo degaannada labada Shabaab duleysteen, is-baddel laguma sameyn Hoggaankii fashilmay ee Maamulka Faasuqa ah ee Gobolka Benadir, kan Ciidamada, xisaabtan laguma sameyn kuwii Dembiyada geystay, Wadooyinka xiran loo furo shacabka caddiban, aan is-weydiinee Aqriste halgankii ma guuleystay?.

Haddii u-jeedka Halganku ahaa in Odayaashii Dhaqanka, Dhalliyaradii, haweenkii iyo saraakiishii halganka hoggaanka u ahaa albaabka laga xirto, lana shaqaalaysiinayo kooxdii Farmaajo gacanta midig u ahayd Sida Wasiir Jamaal iyo xaaskiisa xilal sare lagu xushmeynayo, halgankaas dambar macaan ayaa laga maalay.

Hasanow, Maxaad Cumar Finnish ugu heysaa Gobolka Benaadir, mise qeyb ayaad ka tahay Baad hubeysan ee uu Guryaha, Xoolaha uu qafaashay ( Lo’da 30-US$) ka qaadaayo, isla markaasna Xaflad uu ku dhiganaayo Canshuurta Shacbiga Gobolka Benadir, Hanjabaada joogtada ah ee Shacbiga ku hayaan Labada Shabab, ma jirto talaabo laga qaaday amni xumadaasi socota qof lagula xisaabtamay, taasoo la micno ah habdhaqankii Farmaajo.

211650cookie-checkMaxaa Xasanow Hortaagan Siyasadii Is-bedel doonka Mise Halgankii ayaa Hungoobay