Maxkamada Maamulka Puntland Oo Dhageysaneyaa Dacwado lagu soo Oogay Ajaaniib..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada degaanada Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Maxkamad ku taalla degaankaasi ay maalmahaan waday dhageysiga dacwad lagu soo oogay 6-Eedeysane oo u kala dhashay Dalalka Morocco iyo Ethiopia iyo 2-Soomaali ah, kuwaasoo ay ku tababarayeen kooxda Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal-Miskaat…

Eedeysanayaasha ayaa ku dooday in si xun loo marin habaabiyay tababarkii ay filaayeen in la siiyo kooxda, ayna doonayaan in loo musaafuriyo Dalalkooda, sida uu sheegay Qareenkooda, Eedeysanayaasha Moroccan ayaa sidoo kale ku doodaya inay iskood isu dhiibeen, waxeyna magacyadoodu kala yihiin:-

Mohamed Hassan
Ahmed Najwi
Khalid Latha
Mohamed Binu Mohamed Ahmed
Ridwan Abdulkadir Osmany
Ahmed Hussein Ibrahim

Labo Eedeyaane oo Soomaali ah ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah iney maleegayeen qorshayaasha kooxda IS Somalia, iyagoo iska fogeeyay eedeymaha lagu soo oogay, waxaana xukunka Eedeysanayaashani la filayaa maanta Feb 29 in la soo saaro.

311540cookie-checkMaxkamada Maamulka Puntland Oo Dhageysaneyaa Dacwado lagu soo Oogay Ajaaniib..