Ma Dhabaa In Turkiga U Kulansiinaayo Qorqor Iyo Shaakir

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Dowlada Turkiga ay wada dadaalo lagu heshiisiinaayo Maamulka Galmudug iyo Hogaankii Suufiyada, oo bilooyin ka hor dagaal looga saaray Gobolka Galguduud…

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Mr.Qorqor, Sheekh Shaakir, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Mr.Cabidsamad Macalim Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan Villa Somalia, ay kulan qarsoodi ah islamarkaana lagu dhax dhaxaadinayo Ahlu-Sunna iyo Qoor Qoor ay ku leeyihiin Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa dadaalo ugu jirta sidii ay heshiis u dhex dhigi laheyd Maamulka Galmudug iyo Hogaanka Suufiyada, waxaanse ka marneyn Saameynta Sirdoonka Qatar.

Madaxweynaha Galmudug oo raadinaya in uu soo celiyo madaxdii Ahlu-Sunna oo heeshiis ah ayaa kulankaan dalbaday, waxaana sidoo kale la sheegay in ujeedada lagula heshiinayo Ahlu-Sunna ay tahay cabsi uu Qoor Qoor ka qabo in loo adeegsado maamulkiisa iyo xal u helidda ciidankii Ahlu-Sunna oo wali ah awood magac dowladeed hugan oo go’aano ka qaadanaya xaalada gobalka.

52940cookie-checkMa Dhabaa In Turkiga U Kulansiinaayo Qorqor Iyo Shaakir