Dalalka Islaamka oo Cadaadis Ku Saaraya Dalalka Lagu Gubay Kitaabka Qur’aanka

Somalia news

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ka dalbaday Talaabooyin adag oo looga hortagaayo ololaha lagu gubay Kitaabta Qur’aanka Dalalka Sweden, Denmark iyo Holland, waxeyna ka digeen in Xiriirka Dalalka Islaamka ee Dalalkaani dib looga fiirsan doono hadii aysan joojin Falalka Islam Naceybka…

Xubnaha ku bahoobay OIC ayaa Bayaan ay soo saareen ku muujiyay “Mowqifka guud ee ku aadan diidmada dhanka ka ah inuusan soo laaban Falkaasi naceybka salka ku haya”, kadib markii Shir ka dhacay magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudiga, Mas’uuliyiinta ka qryb gashay ayaa waxey ka hadleen talaabooyinka suurto galka ah ee laga qaadi doono Dalalka dhiiri geliya falalka Islam Naceybka.

Xoghayaha Guud ee OIC Mr.Hissein Brahim Taha, ayaa sheegay inuu aan uga xun yahay falalka kicinta ah ee ay ku kacayaan Dhaqdhaqaaqa midigta Fog, isagoo sheegay falalkaasi yihiin dembiyo laga galay Dalalka Islaamka lagu aflagaadeynaayo Diintooda muqadaska ah iyo Qoyaamkooda & Astaamahooda, wuxuuna uga digay Dalalka dhiiri geliyay falalkaasi in laga fiirsan doono xiriirka la la leeyahay.

240270cookie-checkDalalka Islaamka oo Cadaadis Ku Saaraya Dalalka Lagu Gubay Kitaabka Qur’aanka