Tiro Maleeshiyaad ah Oo isku soo Dhiibay Hey’adaha Amaanka Maamulka Puntland..

Somalia news

Warar naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Saraakiisha Amaanka ay sheegeen inay isa soo dhiibeen 12 Makeeshiyo, kuwaasoo kasoo goostay kooxda argagixisada Daacishta Somalia ee ku sugan buuralayda Calmiskaad..

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in 6 ka mid ah Maleeshiyaadkaan lagu sheegay iney Ajaaniib yihiin, iyadoo 4-ka mid ah ay ka soo jeedaan Dalka Ethiopia, 2-na ay yihiin Suudaani, Halka lixda kalena ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Sida Saraakiishu sheegeen, Maleeshiyaadkaan ayaa waxay isku soo dhiibeen Hey’adaha Amaanka Puntland ee ku sugan tuulada Balidhidhin ee gobolka Bari, Wareysi ay bixiyeen ayay sheegeen in lasoo qalday, loona sheegay in shaqo la siinayo. Waxay sheegeen inay muddo ku dhow hal sano kamid ahaayeen kooxda Daacish.

263700cookie-checkTiro Maleeshiyaad ah Oo isku soo Dhiibay Hey’adaha Amaanka Maamulka Puntland..