Ma Dhabaa in Villa Somalia ay Dejisay Qorshayaal Guracan oo lagu Suurad Xumeynta Siyaasiyiin & Ganacsato..

Somalia news

Bilihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u socday isku dayo lagu doonayo in Qodobo ka mid ah Qabyo-Qoraalka (Dastuurka) wax looga badalo, sifo sharci darro ahna oo aan laga talo gelinta Shacbiga loona kordhinaayo mudda xileedka Hay’adaha Dastuuriga ah ee DFS….

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Ujeedada ka damveysa ayaa ah in kooxda Villa Somalia ay sanado dheeri ah u hesho, Boobka Dhulalka Danta guud ee Caasimada, dhibaateynta, kala dirridda iyo dhaqamada liita ee muddadii sanadka aheyd ee la soo dhaafey ay ku hayeen Shacbiga Soomaaliyeed.

Xogaha hoose ee aan heleyno, ayaa sheegaya in la dejiyay qorsheyaal ay muddo ku taamayeen Horgalada Xisbi-Diimeedka Demu jadiid, taasoo salka ku heysa iney ku xaqiijin karaan ujeedadooda gurracan, waxaana ka mid ah:-

-In la dhisay Xoogag (Kaadiriin) wax cuburiya oo laga dhisay Hey’adaha Amaanka.

-Dukumentiyada muhiimka ah oo ay ku jiraan kuwa safarka oo laga xayiri doono qof kasta oo ka soo horjeesta qorshaha kooxda;
9) In la xayiro Xisaabaadka (accounts) Siyaasiyiinta mucaaradka iyo dhinacayada aragti ahaan ka soo horjeeda Demu jadiid oo lana dhaco iyadoo loo maraayo in la been abuuro.

-In Xilalka oo lagu bixin doona hadba heerka guulwadeynta shaqsiga;
-Been abuur laga sameeyo Siyaasiyiinta iyo Maamulada diidan aragtida kooxda.

-In la dhisay kooxo diyaariyo in Muqaalo xun oo laga sameeyo Dadka ka aragtida duwan kooxda, si loo fadeexadeeyo loona ceebeeyo.

Kooxaha Demu jadiid iyo Daljir Muddo sanad ah oo ay xilka hayeen, waxaa kala tagey Dadkii iyo Dalkii, waxaa naga aamin baxay dunidii, waxaa xoogeystay oo hub iyo hanti loo gacan galiyey Khawaarijta, waxaa la bahdiley Dadkii difaaca iyo Dowlad dhiska lagu yaqaaney, waxaa la boobey wixii ka harey boobkii ay 2012 – 2017.

264940cookie-checkMa Dhabaa in Villa Somalia ay Dejisay Qorshayaal Guracan oo lagu Suurad Xumeynta Siyaasiyiin & Ganacsato..