Dhul Boob & Barakac Xoogan ayaa Caasimada ka Taagan Xiili uu Taagan yahay Olole Musuqmaasuq…

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa daaha ka rogeysa in Saraakiisha Maamulka Garguurte ay mashquul ku yihiin dejinta qorshe raritaan qasab ah oo lagu bartilmaameedsanayo Dadka degan Dhulka iyo Dhismayaasha Danta guud ee caasimada, kaasoo dhaliyay walaac ballaaran oo ku saabsan musuq maasuq iyo ku takri fal awoodeed oo ka dhex jira Madaxda dowladda…

Maareynta arrintu waxay soo ifbaxday, iyadoo Dhaqaalihii laga jartay Dowlada Federaalka iyo maaraynta dhulka danta guud ee Somalia, iyadoo daaha ka rogtay hannaan habaysan oo shakhsiyaadka saamaynta leh iyo kuwa dawladda ahi ay xilalkooda uga faa’iidaystaan boobka dhulalka, iyadoo aanay jirin sabab sharci ah.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Maamulka Fashilmay ee Villa Somalia ay dejiyeen qorshe lagu iibinaayo dhulalka Xeradii Oodweyne, Hoygii Saraakiisha Ciidamada (Circole Ufficiale), Xerada Guulwadayaasha, Warshada Sigaarka, Xaruntii Iveco, dhismaha Akameediyada, iyo kuwo kale, waxaa loo xilsaaray Mas’uul ka tirsan Maamulka G/Banaadir, tiro Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Ganacsato caan ah, Dhul kasta oo qorshahan ah wuxuu ku kacayaa $4,500 Booskiiba, waxaana loo gudbinayaa Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka si loo ansixiyo.

Maamulka Villa Somalia ayaa muddo xileedkiisii hore waxaa hareeyay eedeymo la xiriira musuq maasuq iyo arrimo la xiriira dhulal boob, Xiligaan ayuu sidoo kake qorsheystay inuu Xaraasho Dhulalka Danta Guud, isagoo ku fashilmay ilaalinta dhulalka danta guud, sida dhulalka ku dhow Garoonka Diyaaradaha iyo dhulka ay leeyihiin Ciidanka Asluubta ee ku yaalla KM7, waxeyna Ololahaan tusaale cad u noqoneysa gudan la’aanta mas’uuliyadiisa.

264900cookie-checkDhul Boob & Barakac Xoogan ayaa Caasimada ka Taagan Xiili uu Taagan yahay Olole Musuqmaasuq…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com