Dabley Weerar Khasaare geystay Ku Qaaday Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar gaystay khasaare kala duwan, ayey xalay Maleeshiyo Beeleed hubeysan ku qaadeen, Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid, oo ku sugan magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud..

Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Maleeshiyaad hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen guriga uu ka degan yahay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mr.Cali Daahir, iyadoo dirirtaani ay salka ku heyso Gaari Dagaal oo lagu ilaaliyo Mr.Ciid, inta la og yahay hal Qof ayaa ku dhintay waxaana dhaawac ka soo gaaray 2-kale oo Rayid ah.

Dagaalkaan ayaa qaatay ku dhawaad 3-saacadood, wuxuuna sababay in laga barakaco, inta badan guryaha magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, Maamulka Galmudug, oo ay arrintan gaarta, ayaa amar ku bixiyey in la soo qabto, maleeshiyadii weerartay madaxweyne ku xigeenka, kuwaas oo iminka u baxsaday miyiga Caabudwaaq.

170560cookie-checkDabley Weerar Khasaare geystay Ku Qaaday Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug