Ma Dhabaa in Dakhliga Dhaqaale Ee Kooxda Shababka ay ka badan tahay tan Dowlada Federaalka..

Africa News Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa muujineysa in Dakhliga dhaqaale uruurinta gudaha Dalka ee kooxda Argagixisada Shababka ay ka badan tahay tan Dowlada Federaalka ka qaado Muwaadiniinta, talaabadaan ayaa cabsi ku abuurtay Shacbiga Soomaaliyeed iney kooxdu afkaartooda qalafsan u dhoofiyaan Africa…

Khubarada ku xeel dheer arrimaha kooxaha argagixisada ayaa aaminsan in Maleeshiyaadka kooxda Shababka ay dhisteen ilo dhaqaale oo ka badan tan ay maamusho Dowlada Federaalka, taasoo ku dhiiri gelisay iney dib u eegaan Qorshahooda isla markaasna afkaartooda u xawilaan Qaarada Africa.

Dakhliga Bilaha ee Kooxda Shababka:-

Warbixino sirdoon ayaa farta ku goday in dhaqaalaha kooxda argagixisada Shababka uu kor u dhaafaayo bishii 25-million US$, iyadoo inta badan (Baada) lacagtaan ku helaan waxey ugu yeeraan Canshuur ay ka qaadaan Shirkadaha, Ganacsatada, Warshadaha, Beeraleyda, iibka Guryaha iyo dhismaha, waxeyna raheynayaan iney kordhiyaan.

Sidoo kale dhaqdhaqaaqa Ganacsiga ee isaga goosha Somalia, Kenya & Ethiopia, ayaa la rumeysan yahay iney u sahashay iney ka qaadaan Canshuur, talabadaan ayaa Saraakiisha Sirdoonada ku tilmaameen iney u fududeysay iney afkaartooda gaarsiiso Dalalka Congo iyo Mozambique iyo kooxaha kale ee argagixisada sida Boko haram iyo kuwa Mali.

Riyada Hirgelinta Khilaafada Islaamiga:-

Kooxda Shababka ayaa yaqiinsan iney Africa ay tahay Qaarad ku haboon iney ka hirgelin karaan riyadooda ee khilaafada Islaamka ee mustaqbalka dhow, hadafkeeduna yahay xoojinta xiriirka kooxaha kala duwan ee Islaamiyiinta ka dagaalama Qaarada,Hamiga kooxdaan ayaa waxaa dhiiri geliyay Hogaanka Siyaasada jilicsan iyo Musuqmaasuqa baahsan & Xadaakada darrada ee Madaxda Dalalka Africa.

210720cookie-checkMa Dhabaa in Dakhliga Dhaqaale Ee Kooxda Shababka ay ka badan tahay tan Dowlada Federaalka..

2 thoughts on “Ma Dhabaa in Dakhliga Dhaqaale Ee Kooxda Shababka ay ka badan tahay tan Dowlada Federaalka..

  1. Dalkaan waxaa la degay Xer Siyaasiyiin u xuub siibatay, kuwaasoo aqoontooda Amniga ay hooseyso, waxaana ka sii daran iney la soo shir tageen maamulo xumo, tuuganimo iyo iney jagooyinka isku taxeen (Dalkaan Allah ayaa u maqan)

  2. War kooxdani Dad damiir leh oo wax iska tiraahdo ayeey weyday, kolka waa iney safrisaa Afkaarteeda oo Qaarada ku baahisaa, Somalia hogaam jilicsan oo tuugo ah ayaa halkaasi dhigtay

Comments are closed.