Unug Miino Baarayaal ah Oo Lagu Weeraray Magaalada Mogadishu..

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Unug miino baarayaal ayaa nooca miinada dhulka lagu aaso lagu weeraray gaar ahaan kuwa qaabilsan baarista Miinooyinka ee loo yaqaan K9, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac…

Wararka ayaa aheegay in qaraxan miino uu ka dhacay Xaafadda Waxaracade ee Degmadda Heliwaa, waxaana ciidamada la qarxiyay oo watay eeyo u tababaran miino baraista xilligaasi u socdeen howlgal, iyadoo Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa lagu dilay labo askari oo ka tirsanaa kuwa miino baarista Boliiska, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaraxa saddex askari oo kale, kuwaa oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Qaraxyada miino ee lala eegto ciidamada ammaanka ayaa mararka qaarkood ka dhaca qeybo kamid ah degmooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa kuyaalla bannaanka magaalada, waxaana qaraxyadasai waxyeelo kasoo gaartaa Dadka rayidka ah, Xoogaga Amaan ayaa halkaasi baaris ka sameeyay.

281970cookie-checkUnug Miino Baarayaal ah Oo Lagu Weeraray Magaalada Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com