Ma Dhabaa in Doorashada Degaanada Puntland ay Gashay Xaalad Adag Laga Cabsi Qabo Gacan Ka Hadal…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Khudbadii Mr.Dani ee ku aadaneyd muranka ka taagan doorashada ayaa afkiisa ka dheereeyey muddo kororsi, laakiin shaqada la qabanaayo aysan sinaba macquul u ahayn in la qabto, hadii aan Heshiis Wadar oggol la wada gaarin, isagoo midida u dhiibey Guddiga PEC..

Dadka Taxliiliya Arrimaha Doorashada Degaanada Puntland ayaa ka digay in si weyn la isugu diidan yahay dhismaha gyddiga doorashada ee PEC oo u badan kuwo Xisbiga KAAH soo xuleen, sidoo kale waxaa la beddeley Dastuurkii lagu geli lahaa doorashada iyada oo qodobo masiiri ah la bedalay sida in dalka baarlamaani laga beddelo, sidoo kale waxaa la abuurey Xisbiyo aan haysan aqlabiyadda shacabka, iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka muhimka ah aysan doorasho ka dhicin oo Xisbiyadu/Beelaha ku lahayn metalaad.

Garabyada Mucaaradka ayaa xalay soo saarey war saxaafadeed waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsaneyn PEC, sidoo kale aysan aqoonsaneyn wax ka beddelka sharci darada ah ee dastuurka, wxii dhibaato ah ee ka dhashana uu Mas’uuliyadeeda qaadi doono Madaxweyne Deni, iyagoo bilaabay abaabul Xoogag hubeysan oo ujeedkoodu yahay sidii Magaalooyinka Bosaso iyo Garoowe aysan uga dhici laheyn doorasho wadar oggol ku dhisan.

Sida ay muujinayaan ifafaalaha hadii jidadkaan wada qaadaan Dhinacyada isku haya Doorashada, wuxuu xaalku ka dhignaan doonaan in Bisha Decembar la is huri doonin oo is-xaniinyo taaban doonaan, iyadoo sida kaliyah looga baaqsan karo ay tahay in Odayaasha Dhaqanka soo fara geliyaan go’aan mideysan ka gaara Arrimaha Doorashada inkastoo aysan fududeyn iney Odayaasha Kulmaan oo Talo wadajir ah wada gaaraan.

281830cookie-checkMa Dhabaa in Doorashada Degaanada Puntland ay Gashay Xaalad Adag Laga Cabsi Qabo Gacan Ka Hadal…