Khataraha & Cawaaqib xumida ka Dhalan karta Qorshaha Boobka Shirkadaha Sahminta Shidaalka ee Galmudug..

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa daaha ka togaaya in Madazweynaha Somalia uu oggolaaday in Shirkad gaar ah oo u xil saaran Dhanka Amaanka oo ilaalisa Qalabka iyo Machinada ay iska leedahay Shirkada Coastline Exploration oo Baaris ka bilaabi doonta Xeebaha Hobyo,Xaradheere iyo Ceeldheer..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Shirkadaan uu madax ka yahay Xildhibaan Saadiq John waxaa kula shirkoobay Madaxweynaha Galmudug Qorqor, Xildhibaan Cabdisabir Nur Shuuriye & Ganacsade Mursal Kadiye oo dhamaantooda ka soo wada jufada Farax ee Beesha Saleyman, waxaana lasheegay iney haatan degmada Cadaado ka wadaan qorista Maleeshiyaad ilaalisa Shirkada Shidaalka ee baaristeeda dhawaan bilaabi doonta.

Wararka ayaa sheegaya in Shirkadaan laga diiwaan geliyay Degmada Hobyo si qarsoodi ah, iyadoo aan lagala tashan Beesha Sacad & Beelaha kale ee Galmudug, horaantii Bishii Feb-2023 ayeey aheyd markii Safar qarsoodi ah Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Batroolka Cabdirisaaq Maxamed, Ex PM Rooble iyo Xildhibaan Saadiq John iyo xubno Djiboutiyaan ah ay safar qarsoodi ah ku tageen Dalka Tanzania waxeyna la kulmeen Wakiilo kasocda Shirkada Shidaalka kor ku xusan heshiisna la gaaray iney baaris ka bilaabaan Xeebaha Degmooyinka kor ku xusan.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaaya in Kooxdan qowleysatada ah oo maalmihii ugu dambeeyay Shacbiga Degaanada Galmudug ku maaweelinaayay iney Dagaalo ka wadaan Gobolada Galmudug uu yahay mid lagu khaldaayo, balse Ujeedada dhabta ah ayaa lagu sheegay in Shirkadda shidaal ay baaris ka bilaawdo xeebaha degmooyinka Hobyo ilaa Ceel dheer, waxaana Gaadiid Dagaal iyo Saanad lagu wadaa in laga soi dhoofiyo Magaalada Jabuuti.

272630cookie-checkKhataraha & Cawaaqib xumida ka Dhalan karta Qorshaha Boobka Shirkadaha Sahminta Shidaalka ee Galmudug..