Dagaal-Siyaasadeedka U dhaxeeya Farmaajo & Rooble Muxuu Noqon Doonaa Biyo-dhiciisu

Somalia news

Kadib markii Uu Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Xil gaarsiinta uu xilalkii ka qaaday Madaxii Shaqada iyo Shaqaalaha ee Hey’adda NISA (C/hi Kulane iyo Gacanyarihiisii Madaxii NISA Ee Garoonka Diyaaradaha kuwaasoo lagu eedeeyay iney gabood falo badan u geysteen intii ay Xilalka hayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed..

Khubarada ku xeel dheer Arrimaha Gudaha ayaa ku tilmaamay xilal ka qaadistaan Xubnahaan iney ku timid wakhtiga xasaasi ah, iyadoo la sheegay Shaqsiyaadkaan ku kaceen dembiyo lidi ku ah Amniga Doorashada, Dastuurka Dalka iyo Shuruucda Dalka u degsan, wuxuuse Mr.Rooble ka tagay inuu soo xiro oo Cadaalada horgeeyo.

Dhanka kale, Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in Kooxda Farmaajo ay bilaabeen abaabul xoogan iyo wada tashiyo ku Aadan iney dagaal siyaasadeed iyo dacaayado kaga hortagaan Dagaalka Mr.Rooble, iyagoo durbadiiba suuqa soo geliyay inuu Rooble balantii ugu baxay Farmaajo oo uu doonaayo inuu isku soo sharaxo Xilka Madaxweynaha.

Inkastoo Kooxdaan ay walaac xoogan ka qabaan hadii ay ku dhiiradaan iney dagaal siyaasadeedkooda banaanka keenaan inuu Doorashada u qaban doono si ka duwan sida ay Kooxda Farmaajo iyo Fahad Qorsheysteen, isla markaasna uu isbaheysi la sameysan doono Midowga Musharixiinta, waxaa si gaabis ah u socda dadaalo lagu xalinaayo xiisadaan, iyadoo la sheegay in Kulane Jiis-Mareexaan iyo Fahadba ay qorsheysteen in Bisha September Ay is casilaan si ay Xildhibaano u noqdaan oo Xasaanad u helaan.

131270cookie-checkDagaal-Siyaasadeedka U dhaxeeya Farmaajo & Rooble Muxuu Noqon Doonaa Biyo-dhiciisu