Ma Dhabaa In Xarunta AU-da Ee Addis Abeba Laga Wareejinaayo

Africa News

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa aad u kordhaayay walaaca laga qabo Colaadaha sokeeye ee la degay Dalka Ethiopia, iyadoo laga cabsi qabo in Colaadahaasi ku soo faafaan Caasimadda Oo xarun u ah Ururka Midowga Africa, talooyin looga fiirsanaayo sidii looga wareejin lahaa Xaruntaasi ayaa la soo bandhigay..

Inkastoo qoraal ka soo baxay Gudoomiyaha Midowga Africa Mr.Mousse Faki uu ku beeniyay in xarunta AU-da laga wareejinaayo Magaalada Addis abeba, kadib markii dagaalada ay ku soo dhowaadeen Caasimada, inkastoo Shaqaalaha iyo Mas’uuliyiinta Safaaradaha Reer Galbeedka ay ku wargeliyeen Muwaadiniintooda iney si deg deg ah uga baxaan Caasimada.

Warqad loo ekeysiiyay inuu saxiixay Gudoomiyaha AU-da Mr.Faki ayaa lagu baahiyay Baraha Bulshada iyo Wakaaladaha qaarkood, iyadoo lagu amray Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha AU-da in si KMG ah looga wareejinaayo Xarunta Addis abeba, Inkastoo uu Gudoomiyaha AU-da si adag u beeniyay qoraalkaasi.

Talaabadaan ayaa soo shaac baxday kadib markii Jabhadaha hubeysan ee TPLF & Oromada (OLF) ay ku hanjabeen iney weerar ku soo geli doonaan Magaalada Addis abeba hadii uusan si nabad ah Xilka u wareejin Abiy Axmed, inkastoo Oo uu ku gacan seyray wuxuuna sheegay inuu Magaalada ka difaaci doono kooxaha ku soo duulay Shacbigana ugu baaqay iney Hubkooda qaataan.

150000cookie-checkMa Dhabaa In Xarunta AU-da Ee Addis Abeba Laga Wareejinaayo