Ganacsatada Xoolaha ee Muqdisho oo Sheegay in Shababku Canshuurta uga qaadaan meel ku dhow Madaxtooyada

Somalia news

Waxaa dib u soo laba kacleeyay Guddi Gaadiidka Xamuulka oo Sanooyin hore ay Dowladda Federaalka kala dirtay, kuwaasoo weli shaqeeya isla markaasna lagu eedeeyay iney xiriir wada shaqeyn la leeyihiin Kooxda Argagixisada Shababka, isla markaasna amaradooda uu ka shaqeeyo degaanada ay kooxdu ka taliso..

Wararkaan ayaa soo shaac baxay kadib markii Ganacsatada xoolaha ee magaalada Muqdisho ay sheegeen inay kooxda shabaabku weli ka qaadaan lacago baad ah oo ay ugu yeereen sakaawaad iyo canshuur, lacagahaan ayeey kooxdu ju qaadaan meel aan ka fogayn xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyo gudaha Suuqa bakaaraha.

Ganacsatadu waxay sheegeen inaysan waxba iska beddelin lacagihii laga qaadi jiray tan iyo markii dowladdu ay sheegtay in la joojiyo lacagaha la siiyo kooxda Shababku, Hadalkaan ayaa gamuun mariidle ku ah Hogaanka Sirdoonka ee NISA.

Waxay sheegeen xoolaha markii laga dhoofinayo dekedaha Boosaaso iyo Berbera in canshuur looga qaado bar kantarool oo kooxdu ku leeyihiin deegaanka Buqda oo 40km u jira magaalada Buulo Burde.

Waxay ku eedeeyeen Dallada Dhoofinta Xoolaha inay kooxdu kula heshiisay ciddii aan warqad ka wadinin dalladooda in aysan xoolo ka dhoofin karin dalka, Dhinaca kale dallada dhoofinta xoolaha ayaa beenisay eedda loosoo jeediyay, waxayna sheegeen in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya iyaga iyo kooxda, Waxay kaloo beeniyeen in ay lacago siiyaan.

225780cookie-checkGanacsatada Xoolaha ee Muqdisho oo Sheegay in Shababku Canshuurta uga qaadaan meel ku dhow Madaxtooyada