Ma Dhabaa Inuu Burbur Ku Yimid Ciidamada Dowladda

Somalia news

Warbixino dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa burbur ku xoogan oo ku yimid Qaab-dhismeedkii Ciidamada Dowladda Federaalka kadib markii kala shaki xoogan uu soo kala dhex galay iyo isku dayo Saraakiisha Beesha Mareexaan ay ku doonaa Yemen in si farsameysan Hubka iyo Gaadiidka Dagaalka looga dhigo Ciidamada ka soo jeeda Beelaha Hawiye….

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Saacadba saacada ka dambeysa waxaa Magaalada Mogadishu soo galayaa Ciidamo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka, iyagoo iska xaadiriyay Xarumo cusub Ee Xoogaga Mucaaradka, Sarkaalka u waramay Warsidaha Diinah.com news ayaa u sheegay in:-

-Markii Ciidanka naloo qorayey/Diiwaan gelinaayay waxaa damaanad naga qaaday
Xildhibaanadeena iyo Odayaasha Dhaqanka.
-Sharciga aan udhaaranay waxaa ku qornaa.
-In Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed aan ka difaacno Caddowga iyo inaan ilaalino xuduudaha dalka Bad Iyo Biriba iyo In xuquuqda muwaadininta la Dhowro.

Wuxuuna sheegay Sarkaalkaan in Dalka uu xiligaan ku sugan yahay Qalalaase Siyaasadeed iyo mid Amni waxaana u horseeday Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo isku dayaaya inuu muddo kordhin 2-sano ah oo sharci darro ku darsaday isagoo adeegsanaaya Maleeshiyaadka Beeshiisa iyo Dhuusa qaatayaal degaanka ka soo jeeda, isagoo ugu baaqay in la iska dulqaado Hogaamiye kooxeedka soo daahay.

111980cookie-checkMa Dhabaa Inuu Burbur Ku Yimid Ciidamada Dowladda