Mas’uuliyiin Lagu Eedeeyay Iney Guryo Xoog Ku Heystaan

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay cabasho iyo qeylo dhaan laga keenay Mas’uuliyiin Jagooyin Sare ka haya Dowladda Federaalka iyo Xildhibaano lagu Eedeeyay iney xoog ku heystaan Guryo ay kiro ugu jireen iyo kuwo ku dooday iney taabsadeen…..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Madaxdaan Xoogga ku heysata Guryaha ay kala yihiin Mrs.Khadiija Maxamed Diiriye, Mr.Mahad Cawad iyo Xildhibaan Cabdiraahiid Xidig, waxeyna ku gacan seyreen Amaro ka soo baxay Maxkamadaha Magaalada Muqdisho, Xubnahaan ayaa la sheegay in Villa Somalia ay ku taageertay falkaan, iyagoo hor-istaagay in Ciidamada Amaanka ay gacan ka geystaan Amarada Maxkamada Gobolka.

https://fb.watch/1reyFYjDXJ/

Sida laga soo xigtay Aqoonta Guriga iska leh, waxaa Mrs.Khadiija Diiriye laga kireeyay sanadkii 2013-14, guri uu iska lahaa Marxuum Maxamed Abshir Muuse kaasoo ku yaal agagaarka Taliska Ciidanka Boliiska, waxaana lagula heshiiyay iney bishii bixiso 800-US$ ah, taasoo ay bixisay sanadkii ugu horeeyay kadibna ay diiday iney bixiso kiradii Guriga.

Boobka Guryaha iyo dhulalka ayna ku lug leeyihiin Mas’uuliyiinta iyo Xildhibaanada Dowladda Federaalka ayaa noqday kiisaska ugu badan Ee cabashada iyo Cadaalad darrada laga keenay, iyadoo Go’aanada Maxkamadaha ay noqdeen kuwo lagu fuliyo dadka danyarta ah, iyagoo ka gaabiyay iney wajibaadkooda gutaan.

69450cookie-checkMas’uuliyiin Lagu Eedeeyay Iney Guryo Xoog Ku Heystaan