Xaalada Cabsida Dagaal ee Iran & Xulafada USA iyo Israel ee u Dhaxeysa Oo Halis Qarka u Saaran Dagaal Lagu Hoobto..

U.S. World

Kadib weerarkii Diyaaradaha Israel ee ay ku qaadeen bilowgii Bishaan Dhismihii Qunsuliyada Iran ee magaalada Damascus ee Syria, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in cabsida abaabul dagaal lagu hoobto uu dhex maro Iran iyo Xoogaga Taabacaan oo dhinac ah iyo USA & Israel saameyn ku yeesha Nolosha Shucuubta Bariga Dhexe…

Warar loo qaateen ah ayaa tilmaamay in Dalka Iran 24-saac ee u dambeysay uu Hawada Caasimada Tehran ka xiray dhaqdhaqaaqyada Diyaaradaha Rayidka iyo iyadoo Shirkada Diyaaradaha ee Lufthansa ee Germany ay gebi ahaan joojisay Duulimaadyadii ay Diyaaradaheeda ku tegi jireen Caasimada Iran sababo la xiriira cabsida Dagaal iyo abaabulka socda.

Sirdoonka Mareykanka ayaa rumeysan in weerar weyn oo Iran ay ku qaado Israa’iil uu ku soo fool leeyahay uuna dhici karo maalmaha soo socda, sida lagu sheegay warbixin Arbacadii shalay, iyadoo Iran ay mar kale ku celisay ballankeedii ahaa inay ka aargudan doonto weerar la sheegay in Israa’iil ay ka geysatay Syria oo ay ku dileen laba Jeneraal oo ka mid ahaa dhowr ka mid ah ilaalada kacaanka Islaamiga ah iyo tiro Shaqaalaha Qunsuliyada.

Masnta ayaa lagu wadaa in Gen.Michael Kurilla, oo ah Taliyaha Taliska dhexe ee USA, ee fadhigiisu yahay Doga Qatar la filayo inuu booqdo Israel si uu wada hadal ula yeesho Wasiirka Gaashaandhigga Yuhuuda Yoav Gallant iyo Saraakiil kale si uu ugala hadlo khatarta weerarka Iran uu xambaarsan yahay, wuxuuna cadeeyay inuu xoojin doono Heshiiska Difaac ee kala dhaxeeya Israel, iyadoo la ogsoon yahay in USA ay heegan buuxa gelisay Fariisimada Ciidamadeeda ku leeyihiin Dalalka Iraq, Qatar, Sacuudiga, UAE, Cumman, Bahrein Syria iyo Djibouti.

Shalay ayaa Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei ayaa u sheegay Dadweyne isugu soo baxay Magaalada Tehran in “Maamulka sharka ah uu sameeyay qalad ayna tahay in la ciqaabo, wayna noqon doontaa,” isagoo tixraacaya weerarkii Demascus ka dhacay horaantii bishaan, oo lagu eedeeyay in ay fulisay Israel, kaasoo 7-ka tirsan IRGC ayaa la dilay oo ay ku jiraan 2-Jeneraal.

320490cookie-checkXaalada Cabsida Dagaal ee Iran & Xulafada USA iyo Israel ee u Dhaxeysa Oo Halis Qarka u Saaran Dagaal Lagu Hoobto..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *