Kooxda Shabaabka Oo sheegtay in Ciidamo Kenyan ah ay Laysay

Somalia news

Kooxda Argagixisada Shabaabka ayaa sheegatay in weerar Dhabaa-gal ah dhaliyay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac Oo la la beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya gaar ahaan Boliiska oo marayay Tuulooyin hoostaga Ismaamulka Mandheera…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Weerarkaan ayaa lagu beegsaday Ciidamo katirsan Boliiska Kenya oo ku sugnaa inta u dhaxeysa Tuulooyinka Sarmaan & Dhaaydhaay oo hoos taga Degmada Ramo ee Ismaamulka Magaalada Mandheera.

Kooxda Argagixisada Shabaabka ayaa sheegatay in mas’uuliyadda weerarkaas, ujeedka ay ka lahaydna uu yahay iney khasaaro gaarsiiyaan Ciidamada Kenyanka ah ee howlgalka kawada inta u dhaxeysa labada Tuulo sida hadalka loo dhigay.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Mandheera weli wax war kama soo saarin weerarkaasi oo ay Al-shabaab guul ka sheegatay mana jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha marka laga reebo sheegashada Shabaabka.

156400cookie-checkKooxda Shabaabka Oo sheegtay in Ciidamo Kenyan ah ay Laysay