Ma Dhabaa in Safaaradaha USA ee Nairobi & Addis abeba ay Joojiyeen Qabashada Baasaboorada Soomaaliga

Somalia news U.S.

Macluumaad hordhac ah ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah Howlwadeenada Waaxda Arrimaha Dibeda ee USA ay muddo ku mashquulsanaayeen sidii loo takoori lahaa Muwaadiniinta Soomaalida ee Dalbanaaya Dal ku galka (Visa) ee Mareykanka, iyadoo takoorkaasi uu gaaray heerkii ugu sareeyay…

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Howlwadeenada Safaaradaha USA ee Addis abeba iyo Nairobi, si rasmi ah Web-page-da kuma soo faafin, balse waxaa marqaati ma doonto ah in qorshahaan uu yahay mid ay ka mideysan yihiin cunsuriyeynta Muwaadininta Soomaalida Shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Dibada qeybta Viisooyinka, gaar ahaan kuwa xareysta DV Lottery.

Halka Wasaarada Amniga Gudaha USA la sheegay ineysanba la socon, ku darsoo Wasaarada Arrimaha Dibeda iyo Dowlada Federaalka ayaanba u war heynin dhibaatada lagu hayo Muwaadiniinta Soomaalida, inkastoo dhawaan markii ay Dalka soo gaartay Xildhibaanad Ilhaan Cumar lagu wargeliyay dhibaatada taagan isla markaasna ay balanqaaday in 10-01-23 qoraal u qori doonto State Departement, Safaaradaha iyo Homeland Security ee USA.

234910cookie-checkMa Dhabaa in Safaaradaha USA ee Nairobi & Addis abeba ay Joojiyeen Qabashada Baasaboorada Soomaaliga
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com