Maxaa ka ah Dhab in Askari Ciidamada Dowladda ka tirsan oo Xubno Jirkiisa ka mid ah Lagala Baxay..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa muujinaaya in Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Askartii Tababarka loogu Dalka Uganda oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Dalkaasi lagu qalay isla markaasna lagala baxay xubno ka mid ah Jirkiisa sida ay muujineyso Qoraal uu soo saaray Somali-Sudanese Hospital…

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in Marxuumkaan magaciise lagu sheegay Maxamed Xasan Maxamed 19-jir ahaa kana soo jeeday Gobolka Bakool, ayaa sida la sheegay ku xanuunsaday intii uu tababarka socday, iyadoo la geeyay Isbitaal ku yaal, iyadoo laga war helay inuu geeriyooday isla markaasna la qalay lagla baxay xubno jirkiisa ka mid ah fasax la’aan.

Kadib markii Dalka dib loogu soo celiyay ayaa Ehelada Meydka geeyeen Isbitaalka Somali-Sudanes Hospital qaliin lagu sameeyay ayaa lagu sheegay in Xubno jirkiisa ka mid ay ka maqan yihiin sida Kilida Midigta iyo Wadnihiisa, Ehelada ayaa Dowladda Federaalka ka dalbatay in Baaris lagu sameeyo sababta loogala baxay Xubnihiisa iyo Cidda Qashay caddeyn laga siiyo.

Wasiirka Gaashandhigga ayaa beeniyay sheegashada ah in Askari la qoray uu ku geeriyooday Dalka Uganda sababo la xiriira in laga saaray xubnaha jirka, Qoyska askariga ayaa ka shakiyay iney ciyaareen markii ay arkeen meydka oo la jarjaray.

255050cookie-checkMaxaa ka ah Dhab in Askari Ciidamada Dowladda ka tirsan oo Xubno Jirkiisa ka mid ah Lagala Baxay..