Maalmaha Ciida & Halista Cudurka Coronavirus

Somalia news

Dunida islaamka waxaa la isku diyaarinayaa soo dhaweeynta Ciidal Fidriga, iyada oo sannadkan uu noqonayo sannadkii labaad ee uu munaasabadda Ciidda uu saamaynayo xanuunka COVID19…

Iyadoo Shacbiga Soomaaliyeed isku diyaarinaayo xafaladaha Ciidda ayaa dhinaca la Sheegaya in Hey’addaha Caafimaadka ay ka digayaan in isu soo baxyada ay halis ku yihiin inuu si fudud u faafo Cudurka safmareenka e Covid-19, hadaba suurto gal ma tahay in Shacbiga Soomaaliyeed iney guryahooda ku Ciidaan, si looga baaqsado in Cudurkaan uu si fudud ku faafo.

Saraakiisha Caafimaadka Ee Dalalka Reer Galbeedka ayaa digiino u diray Imaamyada Masaajidyada Bulshada Islaamka, iyagoo lagu wargeliyay iney la yareeyo isu soo baxyada si looga fogaado in Cudurka safmareenka ah Ee Coronavirus si fudud la isku qaadsiiyo.

117770cookie-checkMaalmaha Ciida & Halista Cudurka Coronavirus