Maamulka Hawada Oo Digiino Ka Soo Saaray Qaadka Kenya

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Hey’adda Duulista Rayidka Somalia ayaa looga digay iney Dalka soo geliyaan Shirkaddaaha Diyaaradaha (70) iyo Ganacsatada Qaadka Kenya ee Miraaga ah. waxaana la sheegay in aan la qaadin xayiraadii, islamarkaana uu sidiisii yahay go’aankii ay ku joojisay dowladu…

“Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) waxay si sharaf leh ugu war-gelineysaa dhammaan howlwadeenada in Qaadka Mirra oo la keeno Somalia ay weli mamnuuc tahay, islamarkaana Siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan soo dhoofinta Qaadka Miraa ee garoomada diyaaradaha dalka aysan waxba iska beddelin,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Hey’adda Duulista Raydika Somalia.

Madaxtooyada ayaa la sheegay iney cabasho gaarsiiyeen 4-xubnood oo uu ku jiro Xasan Farmaajo, kuwaasoo ay sheegeen in ka war heleen abaabul xoogan oo ay wadaan Ganacsato Soomaaliyeed iyo Beeraleyda Kenya iney soo raraan Qaadka fasax La’aan.

Diidmada Qaadka Kenya ayaa salka ku heysa, iyadoo Farmaajo Walaalkiis (Xasan Farmaajo) Villa Somalia ay qandaraas ku siisay in Qaadka hareeriga la keeno Magaalada Mogadishu si qasab ah ku qaataan Macaamiisha Qaadka, talaabadaan ayaa xadgudub ku ah tartan ka suuqa furan, waana ayaan darro in Farmaajo uu ganacsiga Walaalkiis uu Dadka ku qasbo.

117800cookie-checkMaamulka Hawada Oo Digiino Ka Soo Saaray Qaadka Kenya