Khilaafka Dani & Kaarash Oo Xargo-goostay

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya in khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland (Saciid Dani) iyo Kuxigeenkiisa (Axmed Karaash) ayaa gaaray halkii ugu hooseysay, iyadoo khilaafkani uu salka ku hayo Arrimo dhowr ah…

Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne kuxigeenka Puntland uu xalay xili dambe ka soo baxay magaalada Garoowe wuxuuna u soo jiheystay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo sida la xaqiijiyay Safarkiisa aysan ku wehlin Wasiiro & Agaasimayaal, waxaa kaloo ka gaabsaday Gudoomiyihii uu u magacaabay Gobolka Mudug.

Safarka Mr.Karaash ayaa lagu fasiray inuu daaran yahay laba qodobo kuwaasoo kala ah:-

-La Kulanka Wasiirka Arrimaha Dibeda oo muddo maalmo ah ku sugan muddo dhowr maalmood Qorshe laga soo maleegay Villa Somalia u jooga fulintiisa.

-Inuu La kulamo Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka Waqooyiga Magaalada si la isaga wareysto is-rasaaseyntii ka dhacday magaalada.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Mr.Karaash culeys lagu saaray inuu bedelo Wasiirka Arimaha Gudaha ( Dhabanacad), lagu bedelo Maxamed Baldho iyo inuu is bedel ku sameeyo Guddiyada degaanka.

Mr.Saciid Dani ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista uu ka degto magaalada Gaalkacyo, si uu u maareeyo Khalkhalka maamul Amni ee Msamulkiisa bacdamaa Kuxigeenkiisa uu falaago noqday.

185230cookie-checkKhilaafka Dani & Kaarash Oo Xargo-goostay